Lyrics

Abwaan dirkax Ugaas caano geele Geesi la garaniyo garbo dagaan ahay Gobodnimo ku caano gabanin baan ahay Gunta waa ganaa garta waa gooyaa Sheikh abdirahmaan buu abtirkeyga gala Geed kaan joogana lama gaardiyo Gunta iyo gaalkana waa gumaada Gari go an ila godey anaa gaardiyo Ninka gafay garab diidow ha i eersan Gardarada cad walee god bee kugu ridi Gumac iyo dhangad baan kugu galbin Gowskiyo gafuurkaan isku kaa jabin Nimuu geesi dhalay gardaadiyay baan ahay Guuxiisa laga baqo sidii aarka Guutada jowxiyo gorgor baan nahay Gantaalada dhiciyo gilimeeys baan ahay Dhashii haaji qoraxeey geesiyadii baan ahay Gobtio jidwaaqiyo garaadadi baan ahay Girinoofka dhiciyo weeyteen baan ahay Kuwii garta goon jiray baalcad baan ahay Guntu ha iska hadashee gobti maxee leedahay Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay? Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay? Hadaan gaarnay guushi baa gaarnay Hadaan gaarnay guushii baa gaarnay Hadaan gaaranay guushi baa gaarnay Hadaan gaarnay guushii baa gaarnay Nimaan garta goyn karin looma geeyo Anaa garashiyo aqoonba leh Anaa geesinimo ku caan baxayoo Ana gayigaba matali kara Ana garab iyo xigaal garan Marwalba anigaa guleesan Gob iyo nasab guule iga dhigayoo Gayaanka dhamaan mideen karaa (mideen karaa) Nin galmudug habar gidir gurxami baan ahay Geeligiisu daaqo guriceel baan ahay Madaxdii reer gado mareexaan baan ahay Hagarka buuhoodle garaadadii baan ahay Gariga tuli guuleed gobtii baan ahay Gacalka reer qardho boqortooyaan ahay Koonfur galbeer raxaweyn baan ahay Warsangaliga lagaran suldaamadii baan ahay Gobtii xawaadliyo samaroon baan ahay Garxaajis ciisiyo carab saalax baan aahy Abgaal baan ahay Gabooyan ahay Majeerteen iyo reer garoowan ahay Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay? Nin la gaari waayo lagu diimaan ahay Geeliisu geel dhalay oo gabanin baan ahay Guuxiisa laga baqo reer sheikh hussein baan ahay Guntu ha iska hadashee gobtu maxee leedahay?
Writer(s): Muse Bashir Abdikadir Lyrics powered by www.musixmatch.com
instagramSharePathic_arrow_out